Beesha Meheri oo asaastay Degaan cusub oo ay Beeshu leedahay

May 04, 2013

Beesha Meheri oo asaastay Degaan cusub oo ay Beeshu leedahay

Deegaankaan oo lagu Magacaabo Barwaaqo oo ah Deegaan Cusub maantana laga Furay Inta udhaxeesa Degmada Xarfo iyo Bacaadwey waxaana la soo qaybgalay Furida Deegaankaasi xildhibaano ,Salaadiin ,Waxgarad Dhalinyaro ,Culumaa,udiin iyo Marti sharaf lagu Martiqaaday .

Deegaankaan ayaa waxaa dagaya Beesha Meheri oo ka mid ah Beelaha Dagan Gobolka Mudug iyo Deegaanada Puntland waxuujna Deegaankan Bacaadweyn ujiraan 10KM waxa uuna Bacaadweyn ka xigaa Dhanka Waqooyi .

Masuuliyiintii Xafladii Deegaankaas Lagu Daahfurayey Ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Cabdulqaadir Cumar Faarax Shabeele Oo ah Suldaanka Beesha Meheri .

Suldaanka ayaa umahadceliyey ka soo qaybgalayaashii Maanta Ka soo qaybgalay Xafladii looga Hadlayey Deegaanka Barwaaqo oo ah Deegaan Cusub oo ku soo Biiray Gobolka Mudug waxa uuna suldaanku sheegay in uu eebe uga Baryayo In Deegaankaan uu Noqdo Deegaan La intifaacsado uuna sheegay in Uu Yahay Deegaan Sooomaaliyeed .

Xildhibaan Cabdi xakiin Macalin Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Puntland oo ku hadlayey Magaca Dowlada Puntland ayaa Sheegay in Deegaankaan Maanta xafladaan loogu talagalay in ladaahfuro Dhismayaaka Laga Dhisay Hadana lawado Sidii loo deegaameenlahaa .

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Hada Deegaankaan Cusub laga Wado Sidii Wadooyin loo gu sameenlahaa iyo Habkii uu deegaan lahaanjiray .

Qaar ka mid ah Odayaashii ka soo qaybgalay Xafladii lagu Furayey Deegaanka Barwaaqo ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Deegaankaan Cusub oo ay Dagayaan Beesha Meheri ayna aad ugu Faraxsanyihiin Hirgalintiisa .

Dhanka Culumaa,udiinka ka soo qaybgalay Daahfurka Barwaaqo ayaa ayagoona halkaasi ka duceeyey Eebana Ka baryey in Deegaankaan uu Noqdo Deegaan Lagu soo Hirto oo magacaas barwaaqo ilahay u qaado .

Xafladii lagu Furayey Deegaanka Barwaaqo ayaa waxa uu ku soo Dhamaaday Jawi Dagan ayadoo Halkaasi Lagu Ala bariyey Oo Maanta Deegaankaas lagu Ducaystay waxaayna ka soo qaybgalayaashii ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan Beesh Meheri oo Degtay Deegaankaan

Leave a comment